In Somali – Ku qoran Somali

    Iyada oo loo marayo Scouts-ka, waxaad samaysan kartaa saaxiibo cusub oo waxaad baran kartaa xirfado wanaagsan 

    Scouting waa hiwaayad kala duwan oo carruurtu ay ku bartaan xirfado xiiso leh oo waxtar leh, sida ku dalxiiska banaanka, ku dhex sahminta deegaanka bannaanka ee dabiiciga ah, karinta, farshaxanka, iyo shaqada kooxeed. Scouting-ku waa xiiso iyo madadaalo lala yeesho saaxiibada!  

    Waxaad sidoo kale bilaabi kartaa Scouting-ka markaad qaangaar tahay. Scouting-ka waxay bixisaa waayo-aragnimo iyo shaqo iskaa wax u qabso ah oo cusub.  

    Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan sida loo bilaabo Scouting-ka. Waxa kale oo aad ka heli doontaa jawaabaha su’aalaha inta badan la isweydiiyo. Guja-raacyada boggan waxay ku geyn doonaan bogag ku qoran luqadda Finnishka.

    Sida loo bilaabo scouting-ka  

    Iimayl noogu sodir palvelu@partio.fi. Fadlan ku dar macluumaadka soo socda fariintaada:  

    • Imisaa sano ayuu jiraa qofka raba inuu ku biiro Scouts-ka?  
    • Waa maxay gobolka aad ka raadinayso hawlaha scouting-ka? Fadlan ku dar lambarkaaga boostada.  
    • Waxaan kuugu soo jawaabi doonnaa sida ugu dhakhsaha badan iimayl ahaan.  

    Waxa kale oo aad adigu ka raadin kartaa kooxda Scout ee ugu dhow adiga oo isticmaalaya qaybta raadinta xogta ee hoose:  

    1. Adeegso badhanka hoose si aad u raadiso koox ama booqo barta https://scouts.fi/join/search-troops/  
    1. Geli gobolka aad doonayso inaad ka qayb gasho hawlaha Scouts-ka. Waxaad sidoo kale baadhistaada ku xadidi kartaa, tusaale ahaan, adigoo dooranaya luqadda gaarka ah ee hawlaha lagu qabto.  
    1. Baadhista ayaa markaa ku tusi doonta kooxaha Scouts-ka ama kooxaha deegaanka ee kuu dhow. Waxaad faahfaahin dheeraad ah ka heli kartaa kooxo gaar ah oo maxalli ah bogaggooda internetka.  
    1. Markaad hesho koox Scouts oo kugu habboon, waxaad codsan kartaa xubinnimada adigoo gujinaya badhanka “Ku biir hadda”. Foomka codsiga waxaad ku buuxin kartaa luqadaha Finnish, Iswidish ama Ingiriisi.  
    1. Codsi dir. Codsigaaga wuxuu gaari doonaa kooxda deegaanka, kuwaasoo kula soo xiriiri doona si ay kuugu siiyaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo bilaabo

    Maxay sameeyaan Scouts-ku? 

    Scouts-ku waxay toddobaadkii hal mar iskugu yimaadaan goobtooda gaarka ah, oo loo yaqaan “goota shirka”. Scouts-ku waxay sidoo kale sameeyaan dalxiisyo badan. Inta lagu jiro safarrada, waxaan waqti badan ku qaadanaa bannaanka.  

    Kulanada iyo hawlaha bannaanka ee Scouts-ka, carruurta iyo dhalinyaradu waxay baranayaan xirfadaha bannaanka, farsamada gacanta, gargaarka degdegga ah, hal-abuurka, wada-shaqaynta kooxeed iyo mas’uuliyadda. 

    Waa maxay kharashka Scouting-ka?  

    Scouting-ka waa hiwaayad raqiis ah. Dharka dibadda ee ku habboon xaaladaha cimilada ee kala duwan ayaa loo baahan yahay. Qalabka kale waxaa laga amaahan karaa kooxdaada Scout.  

    Scouts-ku waxay bixiyaan khidmadda xubinnimada, taasoo ah qiyaastii €100 sannadkii. Lacag gaar ah ayaa sidoo kale laga bixiyaa dalxiisyada iyo xeryaha. Adiga ayay kugu xiran tahay inaad go’aansato inaad ka qayb qaadato dalxiisyadan iyo joogista xeryahan.  

    Taageero dhaqaale oo loogu talagalay khidmadaha xubinnimada iyo khidmadaha joogitaanka xerada ayaa diyaar ah haddii aad u baahan tahay caawimo bixinta.

    Yaa noqon kara Scout?  

    Scouting-ka waa hawl u furan qof walbo. Waxaad ku bilaabi kartaa Scouting-ka da’a kasta.  

    Scouting-ka waxaa sidoo kale la heli karaa haddii aad u baahan tahay caawimaad gaar ah oo ay ugu wacan tahay naafonimo, jirro ama sabab kale.  

    Meelaha lagu qabto kulamada Scouts-ka badanaa waxay ku yaallaan dhismayaal ay leeyihiin magaalooyinka ama xaafadaha kaniisadaha. Si kastaba, Scouts-ku ma aha kuwo ku xiran diin ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed.  

    Sawir: Eeva Helle